Uncategorized

Soomaaliland oo lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay Xoriyata hadalka

Hargeysa-KNN-Heey’adda u dooda Xuquuqul insaanka ee HRW ayaa sheegaty in Dacwad oogeyaaasha Somaliland ay beegsanayaan dad ka hadlay Arrimo lagu muransanyahay oo Xoriyadda Hadalka Weerar lagu hayo, deegnadda Somalialnd.

Heey’adaan ayaa waxaa ay soo qaadatay Xarigii dhawan Soomaaliland ay u geeystay Hugaamiye dhaqameedkii boqor Buurmadoow oo lagu xukumay shan sano oo xarig iyadoo heey’addu sheegtay in Dacwad qaadistiisuna ay cotay wax kayar hal saac.

HRW waxay sheegtay in Bishii lasoo dhaafay Somaliland ay Dacwad kusoo oogtay Sadax ruux oo loo heeysto  arrimo la xiriira Xoriyadda hadalka.

“in shacabku dhaliilaan Arrimaha Socda ee Dowladda waa ay soo yaraaneeysaa gudaha Somaliland, Somaliland na waxay keentay eedo dambi si loo aamusiyo dhaliisha” ayaa lagu yiri war laga soosaaaray Xafiiska Heey’adda ee Nairobi.

19 kii April Ciidamadda Somaliland ayaa Xiray Boqor Cusmaan Aw-Maxamud Buur Madow kadib markii Caleemosaar dhaqameed uu kasheegay in Somaliland iyo puntland ay ciidamadooda ka saaraan Goobaha ay isku hor fahdiyaan ee Gobolka Sool.

26 kii April-na Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa ku soo oogay in Dacwado Qaranka ka dhan ah waxayna taasi horseeday in lagu xukumo Shan sano oo Xarig ah.

Niciimo Axmed ibraahim Qorane oo ah gabar hal Abuur ah ayaa Iyada Sadax Sano oo Xarig ah lagu xukumay 15kii April kadib markii lagu eedeeyay in ay ka hortimid gooni isu taaga Somaliland, Laakiin cafis Madaxweeyne ayaa lagu sii daayay  Isniintii.

16 kii April-na maxkmadda Hargeeysa waxay 18 Bilood ku xukuntay Wariye Maxamed Kayse Maxamud oo isna lagu eedeeyay in Qoray Warar been abuur ah.

HRW ayaa sidoo kale in Xoriyadda hadal ay ku jirto Caburin deegnaddda Somaliland.

Xukuumadihii kala Dambeeyay ee Somaliland ayaa gacan Adag kula dhaqmayay Ciddii sheegta Erayo aysan jecleeysan Madaxda Hugaamineeysa Gooni isu taaga.