Uncategorized

Soomaaliland oo markale ka hadashay Colaada ka Soo cusboonaatay Degaanka tukeraq.

Muqdisho_KNN-Maamulka Somaliland ayaa markale sii wada hanjabaadaha ay u jeedinayan maamulka Puntland, oo ay dhawaan ka qabsadeen deegaanka Tukaraq oo kamid ahaa meelaha ugu muhiimsan ee maamulkaas ka xukumay gobalka Sool, oo ay magaalo madaxdiisa qabsatay Somaliland sannadkii 2007-dii.

Wasiirka Horumarinta biyaha ee Somaliland Yuusuf Cali Koore oo saxaafada la hadlay  ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalka ka Soo cusboonaaday Degaanka Tukeraq ee gobalka Sool,waxaa uu sheegay inlaga hortagi doono dhibaatooyinka ka dhacaya degaankaasi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu ku hanjabay inay dagaal ku qaadi doonaan Maamulka Puntland,Isagoona Intaa hadalkiissa ku daray in haddii lagu qasbo dagaal ay qaadi doonaan ayna ku tagi doonaan waxa ugu yeeray xaduuda Somaliland.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa Hanjabaad kulul waxaa ay hawada isku marsiinayaan Warbaahinta,iyadoona midba midka kale ku eedeeynaya in dagaalka ka soo cusboonaaday ay masuuliyadiisu qaadanayaan,inkastoo Dhibaatooyinka ugu badan ay Soo gaaraan Shacabka ku nool Degaanka tukeraq ee gobalka Sool.