Somali News

Soomaaliland oo shacab ku xer xeray Laascaanood.

Laascaanood-KNN-Ciidamada amaanka ee Soomaaliland ayaa maanta magaalada Laascaanood ku xer xeray tobaneeyo shacab ah oo taageerayay mid ka mid ah Murashaxiinta maamulka Puntland.

Kulan dadweyne oo ka dhacay Laascaanood oo lagu taageeray doorashooyinka Puntland ayaa lagu soo qabtay dadkaan, oo isugu jira rag iyo dumar.

Magaalada Laasaacnood ee gobolka Sool ayaa ka mid ah meelaha uu muranka ka taagan ee ay isku haayaan dhinacyada Puntland iyo Soomaaliland.

Soomaaliland ayaa wado dadaalo ay ku hakineyso dadweynaha Sool ee taageeraya doorashooyinka maamulka Puntland oo lagu wado iney dhacdo shan maalmood kadib.