Uncategorized

Soomaaliland oo Shacabka ugu baaqday inay u diyaar garoobaan Doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu Shacabka ku nool deegaanka Soomaaliland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan Doorashada madaxtinimada ee ka dhacaysa Deegaanka maamulkaasi uu ka Arimiyo.

Sidoo kale Waxaa uu Sheegay Inay Muhiim tahay in laga Fogaado Colaada islamarkaana laga Shaqeeyo Nabada iyo hormarka Deegaanka Soomaaliland.

Waxaa uu Xusay madaxweyne ku Xigeenka Soomaaliland iyo Hada Aad loo adkeeyay Amaanka guud ee Deegaanada Soomaliland,si buu yiri looga hortago Falalka Amni daro.

Dhawaan ayaa la filayaa in Deegaaanada Soomaaliland ay ka dhacdo Doorasha Madaxtinimada.