Uncategorized

Soomaaliland oo si kumeel gaar ah u joojisay wadahadalada kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya.

Hargeysa-KNN-waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada ka dhex aloolsan Soomaaliland iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya tan iyo markii la saxiixay heshiiska dekadda Berbera ee Sadex geesoodka ah una dhaxeeya Soomaaliland , Ethopia iyo DPworld ee Imaaraadka.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland  Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu  sheegay inaanay jirin wado ku aadan  in dib loo furo wada hadalka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya ay hakiyeen muddo bil ah islamarkaana ay ka fiirsan doonaa in dib loo furo.

“Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii” ayuu yiri Wasiir Sacad Cali Shire.

Sacad Cali shire ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in warqad kale ka daba geyn doonaan waraaqad ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Jaamacadda Carabta taas oo looga dacwoonayay shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka laga leeyahay isagoo wasiirka sheegay in dekada Berbera aaney waxba ka quseyn dowladda Soomaaliya.