Uncategorized

Soomaaliland oo shaqada ka joojisay Xildhibaan tagay Puntland

Hargeysa-KNN-Golaha guurtida Soomaaliland ayaa shaqada ka joojiyay xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman oo magaalada Carmo gobolka Bari ee Puntland ugu qeyb galay caleyma saarka Suldhaan Beel-daaje.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Soomaaliland  Saciid Jaamac Cali ayaa warbaahinta u sheegay iney shaqadii ka joojiyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, kadib markii uu sheegay in uu ku xadgudbay xeerka u yaallay Golaha.

Soomaaliland ayaa horay u xirtay Boqor Buurmadow oo ka mid ahaa wax garadkii ka qeyb galay caleyma saarka Suldhaan Beeldaaje, inkastoo la soo daayay.