Hargeysa-KNN-Guddoomiyaha Gudiga ka hortaga masiibooyinka iyo Cunnada Somaliland Faysal Cali Sheekh waxaa uu sheegay in hal milyan iyo todoba boqol oo qof ay ku dhufatay abaar baahsan oo ka jira deegaanada Somaliland kuwaasi oo u baahan gargaar degdeg.
Dadka abaartu saameysay waxaa uu ku sheegay in 47% ay shacabka ku nool deegaanada Somaliland gaar ahaan dadka xoolo dhaqatada ah.
“Abaaro baahsan ayaa ku dhuftay deegaanada soomaaliland hay`aduhuna ilaa imika waxba ma qaban dhibaaatda taaagan ee xooluhu ay la dhimanayaan”
Kummanaan qoys ayaa bilihii u dambeeyay kusoo barakacayay magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland si ayu helaan gargaar ay kusii noolaadaan dadkaasi, waxaa abaaraha kaga dhamaaday xoolihii ay dhaqan jireen.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa lagaga dhawaaqay xaalad degdeg ah degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, deegaanada xeebaha Waqooyi ee Somaliland waxaa kusoo barakacay dad gaadhay 3000 oo qoys, dadka barakacaya ma helayaan gargaar waxaana ay dalbanayaan cuno iyo biyo si ay u noollaadaan.
Abaaro ayaa ku raagey deegaanada Beriga ee Somaliland iyo xeebaha Waqooyi, deegaanada Qaar oo ay ka mid tahay Go’da weyn oo ka tirsan Gobolka Saaxil ayaa dadka barakaca ah imika loo bilaabay biyo dhaamis.
Hay`ada ka hortaga masiibooyinka iyo kaydinta cunnada ee Somaliland ayaa waxay cabsi qabtaa in xaalad degdeg ah oo abaareed ay galaan deegaanada abaaruhu ka jiraan bisha labaad ee sanadkan, sida ay kusoo wargalinayaan hay`ada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha binni’aadanimada.