Uncategorized

Soomaaliland oo Si kulul ugu hadashay Saldhiga ay Imaaraadka ka furatay Dekada Berbera.

Muqdisho-KNN-Dr Sacad Cali Shire  Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland oo Warfiyeenada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa Waxaa faahfaahin ka bixiyay Saldhiga Militiri ay Dowlada Imaaraadka Carabta ka furatay Dekada Berbera.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Waxaa uu Shaaca ka qaaday In Maamulka Soomaaliland aysan raali ka aheyn marnaba Saldhiga Millitari ee Berbera,islamarkaana uusan waxba kala socon wararka sheegaya in saldhigaasi qorshihiisu uu yahay in  weeraro lagu qaado wadamada deriska sida dalalka  Itoobiya, Djabuuti iyo wadamo kale.

Waxaa uu Sheegay in in Arintan ay inta badan kala hadli doonaan Madaxda ugu sareysa ee Dowlada Imaaraadka Carabta,islamarkaana heshiis cusub ay la saxiixan Doonaan Imaaraadka,si buu yiri wasiirka looga hortago Dhibaato kasta oo ay qorsheynayeen Imaaraadka inay ka fuliyaan Dekada Magaalada berbera.

Sanadkii tagay ayaa Maamulka Somaliland waxa ay Saldhiga Berbera ku wareejisay Dowladda Imaaraadka oo halkaasi ka sameysatay saldhig aad u weyn oo ay ka howlgaleyso,balse waxaa jira walaac arintan laga muujiyay.