Hargeysa-KNN-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madow oo in mudda ah ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayaa maanta la sii daayay, kadib markii la sheegay in uu cafis ka helay madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi.
Boqor Buur-Madow ayaa ka mid ah madax dhaqameedyada ugu caansan deegaanada Soomaaliland, laakiin maalmihii dambe wuxuu xabsi ugu jiray Soomaaliland oo ku eedeeysay in uu ku kacay falal ay ku sheegeen in ay lidi ku yihiin madax banaanida Soomaaliland.
Boqor Buur-madow ayaa markii la xirayay ka yimid deegaanada Puntland halkaas uu kaga qeyb galay Caleymasaarka Boqor Beel-Jaade.
Madax dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo hay`addaha u dooda xaquuqal insaanka ayaa xirigii Boqor Buur-madow horay ugu tilmaamay mid aan sharci aheen.