Hargeysa-KNN-Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) Wasiirka gaashaandhigga Somaliland ayaa markii ugu horaysay waxaa uu si kulul uga hadlay go’aankii saraakiishii ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag ay uga bexeen isla markaana ugu biireen dhanka Maamulka Puntland.
Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliland ayaa Sheegay in ciidankii iyo saraakiishii ka goostay Somaliland ay noqdeen, khiyaanoolayaal, islamarkaana waxaa uu ku tilmaamay kuwa qaran dumis.
Sidoo kale Wasiirka ayaa uu digniin u diray ciidanka iyo saraakiishii soomaaliland ee goostay, waxaa uuna sheegay in ay tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan, islamarkaana ay gacan ku soo dhigi doonaan.
Taliyeyaasha Soomaaliland ugu Magacawnaa Gobolka Sanaag ayaa Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland Janaraal Nuux Ismaciil Taani oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana saraakiishaan ay hoggaaminayaan Ciidamo ku dhow 100 Askari
Halkan ka Dhageyso