Somali News

Soomaaliland oo xayiraad ay horay u saartay ka qaaday Hey’ado Warbaahin

Hargeysa-KNN-Xukuumadda Soomaaliland ayaa shaacisay inay xayiraadii ka qaaday labo telefashin oo kamid ah kuwa madaxa banaan ee ka hawl gala Soomaaliland.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo kulan la qaatay milkiilayaasha labadaas telefashin , ayaa kulankooda kadib waxay warbaahinta u sheegeen in laysla gartay in xayiraada laga qaado labadaas telefashin isla markaana laga wada shaqeeyo danta guud ee dadka  reer Soomaaliland.

Xukuumadda Soomaaliland soomaysan  bandhigin sababaha keenay in markii hore la xayiro labadaas telefashin iyo qodobo ay fuliyeen oo sababay in xayiraada laga qaado.

Sidoo kale Xukuumadda  ma’aysan  soo hadal qaadin xayiraadii deegaanada Soomaaliland ay kasaartay Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo dowaan daawashadiisa laga joojiyey deegaanada Xukuumadda Soomaaliland.