Uncategorized

Soomaaliland oo xirtay Nabadoon Caan ah

Hargeysa-KNN-laamaha amaanka ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa xabsiga dhigay Nabadoon caan ah oo ka mid ah kuwa ugu fitfircoon marka laga hadlayo ka hadlida xaaladaha taagan.

Nabadoonka la xiray ayaa lagu magacaabaa Suldaan Maxamuud Muuse Cune.

Ilaa iyo hadda majirto faafaahin ay ka bixiyeen Saraakisha ciidamada amniga ee Soomaaliland xariga Suldaan Maxamuud Muuse.

Laakiin wararka qaar ee soo baxa ayaa tilamaamaya in Suldaanka loo hayso eedeen uu u jeediyay xukumadda hadda jirta ee Soomaaliland oo ku eedeeyay in ay wax ka qaban weysay colaadaha ka taagan deegaanada Soomaaliland gaar ahaan xiisada u dhaxeysa beelaha walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanka Ceel-Afweyn.