Uncategorized

Soomaaliland oo xukun xabsi ku riday Boqor Buur-madow

Hargeysa-KNN-Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Soomaaliland ayaa goor xukun ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah Madax dhaqameedyada Somaliland.

Maxkamada ayaa maanta boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah kadib markii loo fadhiistay dhageysiga dacwada lagu soo eedeeyay.

Boqor Buur-madow ayaa dhawaan laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Hargeysa si damaanad ah, asiga oo loo haystay in uu sheegay hadal dhaawaca madax banaanida Soomaaliland mar uu ku sugnay deegaanada Puntland.