Uncategorized

Soomaaliland”Saldhigga Bar bara yeman ayaa looga duulayaa”

Muqdisho-KNN-Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa saldhiga ciidan ee ay ka dhisayso magaalada Barbara waxaa ay uga duuli doontaa dalka Yemen oo inta badan ay maamulaan kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta.

Warkaan waxaa sheegay wakiilka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida maanta lagu qoray Bogga BBC,da.

Baashe Cawil oo la hadlay BBC,da waxaa uu sheegay in Soomaaliland ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxaana uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen.

“Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noo tababari doonaan ciidamadeena amaanka sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiri  Baashe Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta.

Dawlada Imaaraatku waxay waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen.

Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheeganaysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda laga soo weeraro.