Uncategorized

Soomaaliya iyo Kenya oo guddi u saaray arinta Beladxaawo

Nairobi-KNN-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale soo hadal qaaday murankii ka dhashay darbigii Kenya ay ka dhistay magaalada Beladxaawo ee gobolka Gedo.

Arintaan ayaa timid ka dib markii safar aan horay loo shaacinin uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu shalay ku tagay magaalada Nairo ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa la kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Kenya oo ugu horeeyo Madaxweyne Uhuuru Kenyaanta oo uu kala hadlay arimo kala duwan oo ugu horeyso amniga xadka ay wadaagaan labada dowladood.

Dowlada Kenya ayaa horay u bilowday derbi ay ka dhiseysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beladxaawo oo ku sheegeen ujeedka ay ka leeyihiin in ay tahay in ay ka caawiso sugeyso amniga Kenya.

Laakin dhisida derbigaas waxaa ka hor yimid dadka ku dhaqan magaalada Beladxaawo.

Sikastaba ha’ahaatee labada dowladood ayaa hadda markale guddi xaliya murankii ka dhashay arintaasi ku dhawaaqay