Somali News

Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay in ay xoojiyaan xiriirka u dhexeeya labada dal

Xukuumaddaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dal, dibna loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi, kaddib wada-hadal dheer oo dhanka taleefanka ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee labada dal.

Wada hadalka ayaa u dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/rizaak iyo dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo, waxaana ay si qoto dheer uga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii laba dal, iyo hormar mira dhal ah oo laga gaaro wada hadalada u socda labada dowladood.

Labada wasiir ayaa waxaa ay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradooda ee kala ah Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.