Somali News

Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay in ay heshiis ka gaareen arrimaha Badda

Jariidada The Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa saakay daabacday inay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in Somalia iyo Kenya ay heshiis ka gaareen arrimaha badda la xiriira ee qadiyada Dacwadaasi ay taalo Maxkamada ICJ-da.


The Star ayaa qortay in ay aragtay warbixin sheegaysa in labada dowladood ay min 50% ay u qeybsan doonaan kheyraadka Shidaal ee laga soo saarayo meelaha hadda dooda ka taagan tahay ee Kenya iyo Somalia isku hayaan.


The Star waxa ay xustay in goor dhow dhinacyada ay tagi doonaan dalka Qatar Magaala madaxdeedi Doxa oo ay heshiiskaasi ku saxiixi doonaan.


Ma jiro ilo madax banan oo labada Dowladood ah oo xaqiijin kara Warkaani inkastoo Kiiska Badda uu wali go’aan ka gaaristeedi horyaalo Maxkamada ICJ.


Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Guled ayaa dhowaan sheegay inuusan wax isbadal ah ku imaanin kiiska Badda mar ay soo shaaxbaxday soocelinti xiriirka labada dalka ee Kenya iyo Soomaaliya ay meesha ka saari doonto kiiska Badda.