Uncategorized

Soomaaliya iyo Q.M oo dalbaday $80 milyan oo wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan

Muqdisho-KNN-QM iyo dowladda Soomaaliya ayaa codsi wada jir ah ku dalbaday 80 million oo doolar si caawimaad deg-deg ah loo siiyo dadka ay dhawaan daadadku saameeyeen wadanka oo dhan.

Roobka guga oo si isku mid ah uga da’ay gobolada dalka ayaa waxaa uu sababay khasaare gaaray Dadka, Xoolaha iyo dhaawac soo gaaray kaabeyaasha, waxaana ka sii daray xaaladda banii`aadanimo oo markii hore ay heer nugeeyl ahayd.

Xafiiska isku xirka gargaarka QM ayaa sheegay in 750,000 o ruux lagu qiyaasay dadka ay fatahaaddu saameeysay, waxana ku barakacay 229,000 oo ruux .

Codsigaan cusub ee 80-ka million ee doolar waxaa loogu talo galay in lagu gargaaro bulshooyinka horay ay saameynta ugu yesheen Coladda, abaaraha iyo fatahaadaha.

Iskuxiraha arrimaha gargaarka QM ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay In dadka ay fataaddu sameeysay in ay u baahanyihiin maalgalin in ay adkeeysi ugu yeesheen Cimiladda xun iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

“iyadoo qatarta cimiladda ay kordheeyso, waxaa loo baahanyahay wax badan si jilicsanaanta looga adkaado, saboolnimo daran iyo horumar hooseeya oo dhinaca banii`aadanimadda ah ayaa saameeynaya dad badan” ayuu yiri de Clercq.

Biloowgii guga waxaa saameynta fataahadda laga dareemay Gobaladda ay maraan Wabiyadda Jubba iyo Shabeele oo ay ku noolyihiin dad la liitay saameeyntii ay ku reebtay Abaartii soo bilaabay horraantii  sanadkii 2016 kii.

Gobaladda bariga iyo Woqooyiga Soomaaliya ayaa dhankooda la kulmay walina wajahaya Duufaan-dabeeylo iyo roob wadata oo waxyeelo adag u geeysatay Dadka deegaanka iyo duunyadaba.

Waxaa lasoo wariyay in ay bur-bureen Beero, xoolo iyo dadna ay dhinteen.

Baahidda ugu badan ayey uqabaan gar-gaar in ay helaan, hase ahaatee waxaa soo baxay cabsi ah in meelaha qaar uusan gargaarku gaarikarin sababo laxiriira dhulkii oo jilcay iyo Biyaha oo wali qul-qulaya.