Uncategorized

Soomaaliya iyo Somaliland oo ka wada hadlaya Hawada Soomaaliya

Wada hadal ku saabsan maamulida hawada Soomaaliya ayaa magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa uu uga furmayaa dawlada Federalka ah iyo maamulka Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada hadalkaan oo dhex maraya wasiirka duulista hawada Soomaaliya iyo kan Somaliland waxaana ajandaha ugu weyn ee shirkaan uu yahay sida laaga yeelayo maamulista hawada oo dhawaan dawlada Soomaaliya lasoo wareegtay.

Wasiirka duulista hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo asagoo ka baxayay magaalada Hargaysa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay waftiga dawlada Soomaaliya shirkaan u matalaya kala hadli doonaan arrimaha duulimaadyada iyo hawada dalka sida uu yiri.

“Aniga iyo waftigaygaba waxaan wada hadalka ka dhacaya Addis-Ababa kala hadlo doonaa madaxda dawlada Soomaaliya mustaqbalka hawada Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri wasiirka duulista hawada u qaabilsan maamulka Somaliland.

Wasiirku waxaa uu sheegay in qorshuhu yahay in la isla garto in si wada jir ah hawada u wada maamulaan dawlada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Haddii aan gaari wayno xal midaysan qolo walba iskeed ayay isku maamuli doontaa” ayuu yiri wasiir Haybe oo Somaliland u hadlay.

Hay’adda caalamiga ah ee ICAO oo waqti dheer gacanta ku haysay maamulista hawada Soomaaliya ayaa dhawaan usoo wareejisay dhanka dawlada Soomaaliya waxaana ay si rasmi ah u wareejin doonta sanadka soo socda ee 2018.