Uncategorized

Soomaaliya iyo Turkiga Oo ku Hishiiyay in ay Kordhiyaan Xiriirkooda Dhaqaale.

Muqdisho-KNN-Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi ah oo dhinacyo badan leh, kaddib markii ay yeeshyeen shir ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

waxaan rijeyneynaa in aan kordhino Xiriirka aan la leenahay Soomaaliya, Turkigu Soomaaliya wuxuu ku maal gashaday Lacag ka badan 100 Million oo dolar” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga Rajib Akdag oo ka hadlayay Munaasabadii Hishiiska lagula Sixiiyay oo uu kala qayb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Turkigu wuxuu sheegay in Tilaabadaani ay horseedi doono iskaashi dhaqaale oo ay yeeshaan dowladaha Soomaaliya Turkiga, wuxuu hadalkiisa in Xajmiga Ganacsiga u dhexeeya Labadda Dal uu gaari doono 200 oo Million oo Doolar, halkii uu 120 million ka ahaa Sanadkii 2016 kii.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale Abuuray Guddi Dhaqaale oo ay ku mideeysanyihiin kaasi oo shirkiisii ay si wada jir ah u gudoomiyeen Ra’iisul wasaare ku xigeenadda Labada dowladood.

Rajib Akdag wuxuu sheegay in Hishiiskan Cusub laga amba qaadi doono Isfahan ay Labada Dal  gaareen oo quseeya Tamarta, Macdanta, Korontada, wax barashadda sare, Beeraha iyo qayraadka Badda.

Wadamadu waxay sidoo kale Qalinka ku duugeen Isfahan Quseeya Kaluumeesiga iyo Kaluumeysatada oo Dhiaca Turkiga uu u sixiixay  Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Axmed Asref Halka Soomaliyana uu u sixiixay Wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheeyraadka Badda cabdi Raxmaan Maxamed Cabdi xaashi.

Labadda Doowladood waxaa ay ku  Dadaalayaan sidii ay heer Wanaagsan ugu Horumarin lahaayeen Xiriirkooda.