Somali News

Soomaaliya maanta u tartameysa xilka guddoomiyenimada baarlamaanka adduunka.

Maanta waxaa la rajeynayaa in lagu dhawaaqo natiijada cidda ku guulaysanaysa xilka guddoomiyenimada baarlamaanka adduunka.

Dadka u tartamaya waxaa ka mid ah xildhibaanad ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, Marwo Bashiir Xaaji. Marwo oo bilihii u dambeeyey wadday olole ay ku doonaysay in ay xilkaas qabato ayaa waxaa ku taageeray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, laakinse markii dambe waxaa soo baxay warqad la sheegay in loo qoray baarlamaanka adduunka om lagu sheegay in ay ka baxday tartanka.