Uncategorized

Soomaaliya oo dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ka dalbatay caawinta dadka ay saameysay Fatahaadaha

Muqdisho-KNN-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shirka dalalka ku midoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” uga qeyb galay magaalada Dhaka ee dalka Bangaladesh ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka jeediyay shirkaasi.

Shirka ayaa sanadkaan diirada lagu saaray arrinta Qaxootiga Muslimiinta Rohingya, shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka kala yimid 28-dal oo ku mideysan Ururka.

Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa khudbada uu ka jeediyay shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibada dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhaka ku soo hadal qaaday Fatahaadii ugu dambeysay ee ka dhufatay dalka, taasi oo saameyn ku yaalatay magaalooyinka iyo tuulooyin badan oo ku yaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in Fatahaada ay sababtay khasaaro isugu jira naf, maal iyo bur bur intaba.

Wuxuuna Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay Wadamada walaalaaha iney caawiyaan dadka ku sugan deegaanada ay Fatahaada saameysay.