Somali News

Soomaaliya oo isu diyaarinaysa ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda shidaalka

Muqdisho-KNN-Shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga BBC-da ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

”Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka marka la soo saaro,kaasi oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida oo dhan, waxaan ka  gaashaamanaynaa in marka shidaalka la soo saaro uusan khatar ku noqon dadka iyo bayaduba”, Ayuu yiri wasiir Hilaal.