Somali News

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay in hubka Dowladda lagu weeraray Kenya

Muqdisho-KNN- La taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdisaciid Maxamed Cali ayaa beeniyay wararka sheegaya in hubkii ay Al-shabaab ku weerarayn hoteelka DusitD2 ee dalka Kenya ay laheyd Dowladda Soomaaliya.

Cabdisaciid La taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararkaasi ku sheegay mid been abuur ah, Madaama aysan jirin Cadeymo rasmi ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay Kenya ka dalbatay iney la wadaagaan xogta ay haayaan si looga baaro keydka hubka Soomaaliya oo si deg deg ah looga heli karo.

Wargeyska lagu Magacaabo Daily Nation ayaa sheegay in Kooxdii gudaha u gashay hotelka DusitD2, ay wateen 5 qori, qaarkood waa laga tirtiray Lambarada lagu aqoonsado hubka dalka laga leeyahay , laakiin labo ka mid ah ayaa laga helay Caalamad lagu yaqaano hubka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay  14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda  ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation.

Arintaan ayaa loo arkaa dacaayad iyo warar been abuur ah oo ay baahiyeen Warbaahinta Kenya iyo Booliiska Wadankaasi oo xogtaan la sheegay iney la wadaagayn Warbaahinta gudaha Kenya.