Somali News

Soomaaliya oo kamid noqotay dalalka uu ka jiro musuq maasuqa ugu badan

Muqdisho-KNN-Hey’adda Transparent international ee lasocota Huftaanta Dowladaha iyo heerka musuqa dunida ayaa waxaa ay soo saartay warbixin sanadeedkeeda Musuqa Aduunka ee 2018.

Soomaaliya oo sanad kasta kaalinta ugu hooseeysa ka gali jirtay heerka ugu hooseeya ee Dalala ugu musuqa badan walina waxaa ay ku jirtaa kaalinteedii, sida ku xusan Warbixinta Transparent international.

Dalalka uu dagaalku daashaday oo lagu soo qaaday Warbixinta ayaa waxaa ka mid ah, Soomaaliya, Koofur Sudan, Siiriya iyo Yemen.

 Soomaaliya waxay ku jirtaa Kaalinta  10 aad, waxayna ugu hooseeysaa Dalalka ay isku heerka ku jiraan ee Koofurta Sudan iyo Siiriya oo kalinta 13aad ku jira iyo Yemen oo kaalinta 14 ku jirta.

In Dalalkaan ay kaalimaha ugu hooska ugajiraan qiimeeynta hufnaanta dunida waxay la micno tahay in laaluushka, xatooyadda xoolaha Dad-weynaha iyo ku xad gudubka awoodda ay ku badanyihiin Wadamadda, sida warbixinta lagu sheegay.

 Dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in wax badan ka qabaneeyso musuqa Dalka ka jira waxay qaaday tilaabooyin lagu xoo xiray laguna xukumay Masuuliyiin Dowladeed, walina Dalku waxaa uu la daalaa dhacayaa dhibka Musuqa.