Muqdisho-KNN-Waxaa maanta la filayaa in Caalanka oo dhan looga dabbaaldego Maalinta Qaxootiga Aduunka,iyadoona Soomaali ay ka socdaan Munaasabado lagu Xusayo Maalinkaasi.
Xuska Munaasabdaasi ayaa Sanad kasta 20-ka bisha June si loo weyne looga Xusaa dalal badan oo ka tirsan Caalamka iyadoona lagu soo bandhigo haweenka iyo carruurta lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka cararaya dhibaateyn, colaad ka jiro dalalkooda.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) waxay sheegtay in qaxooti badan oo Soomaaliyeed ay ku dhibaateysan guud ahaan gobalada dalka iyo dalalka Caalamka.
Dalalka ay sida baahsan qatootiga ugu sii badanayaan waxaa ka mid ah ,Soomaaliya, Afghanistan, Iraq, Syria Leone, Myanmar, South Sudan, iyo wadamo kale oo caalamka ka mid ah.