Muqdisho-KNN-Urur Goboleedka IGAD ayaa Soomaaliya iyo Djabuti waxay uu u ogolaaday in ay Ciidamno geeyaan Koofurta Sudan si ay u ilaaliyaan amaanka iyo dhaqangalinta Heshiiska Nabadda, sida uu Daabacay Daily Monitor oo Uganda laga leeyahay.
War kasoo baxay IGAD gelinkii dambe ee isniintii ayaa lagu sheegay in Soomaaaliya iyo Jabuuti uu ururku ansixiyay in ay ka mid noqdaan damaanad qaadeyaasha nabadda ee koofurta Sudan.
Dalalkaan waxaa howshaan loo xilsaaray in tii uu socday shir aan caadi ahayn oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee Caaaimadda Ethiopia 12 kii Bishaab September.
“IGAD waxay ka codsandoontaa Golaha Amaanka ee QM in uu dib u eego ogolaasha geeynta Ciidamadda ee Koofurta Sudan ayna u ogolaato Sudan, Uganda, Djabuti iyo Soomaaliya in ay ahaadadaan Damaanad qaadeyaasha ka qayb qaadanaya Ciidanka illaalinaya Amaanka” ayaaa lagu yiri War Ururka kasoo baxay.
Warku waxaa uu intaas ku daray in Shirkii Addis Ababa laga soo saaray in loo xilsaaro Madaxda ciidamadda ee Dalalka IGAD in ay qiimeeyaan howlaha Ciidanka Difaaca ee Gobolka iyagoo lasoconaya xaladda hadda ee koofurta Sudan.
Ururka IGAD waxaa uu sheegay in ay ka go’antahay isbarbartaaga Dadka koofurta Sudan iyo Hogaamiyeyaaashooda si nadda salka loogu dhigo, loona horseedo xasilooni iyo horumar dhaqaale.
Shirkii Magaaladda Addis Ababa ka dhacay 12kii Bishaan waxaa lagu sixiixay Heshiishka kama dambeeysta ah ee lagu dhameynayo khilaafka koofurta Sudan.
Soomaaliya oo ay joogaan Ciidan Midowga Africa uu nabadeeda ku taageerayo ayaa hadda ka qayb qadaneeysa Ciidan IGAD ay ku taageereeyso nabadda Koofurta Sudan.