Uncategorized

Soomaaliya oo loo ogolaaday Xubinnimadda ururka Ganacsiga Bariga iyo koofurta Africa

Muqdisho-KNN-Wasiiradda Cadaaladda iyo xeer ilaaliyaasha guud ee Dalalka ku meeysan Suuqa Bariga iyo koofurta Africa ayaa jimcihii ku heshiiyay in Soomaaliya lagu daro urur goboleedka.

Heshiiska Soomaaliya loogu ogolaaday ururka COMESA ayaa socday hal maalin oo ka dhacay Magaaladda Caasimadda u Dalka Zambia ee Lusaka, waxuuna heshiiskaasi wadada u xarayaa in ogolaansho buuxa ay Soomaaliy ka hesho kulan weeynaha dhici doona Sanadka soosocda.

Ogolaansha Soomaaliya loo ogolaaday in ay ururka COMESA ku biirto ayaa yimid kadib Wada xaajood ay yeesheen Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Golaha wasiiradda ee COMESA kaasi oo ka dhacay caasimadda Zambia.

Ku biiritaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ururka ka dhigayaa Ururka ganacsi ee ugu weyn Qaaradda Africa oo xubnihiiyu waxay gaarayaan 20 dal.

Ururukaan COMESA waa urur ay ku mideysanyihiin Wadamadda dhaca Bariga iyo koofurta Africa oo suurta galinaya Aag ganacsi oo xor ah, waxana la aasaasay 1994 kii.