Muqdisho-KNN-Soomaaliya ayaa muddo sanado ah ka dib waxa ay dib u bilowday suuq-gaynta dalagyada dalkeena, ee dalalka caalamka.
Maanta oo taariikhdu ay ku beegnayd 27-ka November 2019 ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dhoofiyay moos, kaas oo loo dhoofiyay dalka Sacuudiga.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo kaashanaysa shirkado iyo masuuliyiin ganacsi ayaa waxa ay maanta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofiyeen Labo Kunteenar oo sida mooska Soomaaliya ,waxaana wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo la hadlay warbaahinta uu sheegay arrintan ay dhiirrigelin u tahay beeralayda dalka iyo sidoo kale kobaca dhaqaalaha dalka.
Waxa uu sheegay wasiirku in Labada Kunteenar ee maanta loo dhoofiyay dalka Sacuudiga ay yihiin tijaabo lagu ogaanayo tayada mooska dalka.
Mooska Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid ahaa waxyaabo badan oo Soomaaliya ay u iibgayn jirtay dalal badan oo ka tirsan caalamka, kuwaas oo ay ka soo geli jireen dhaqaalo aad u fara badan, inkasta oo muddo dhawr sannadood ah ay joojiyeen dalalkaasi, waxana Soomaaliya ay tani uga dhigan tahay faa’iido kale oo sii kobcin kara dhaqaalaha dalka haddii ay u hirgalaan dhoofinta waxyaabihii hore.


