Somali News

Soomaaliya oo shir heer caalami ah uga qeyb galaysa Turkiga

Muqdisho-KNN-Shirka ganacsiga ee wadamada Afrika iyo Turkiga oo ka socda magaaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb galaya xubno ka socda Soomaaliya oo ku matalaya shirkaas, waxaana shirkaas oo qaban qaabisay dowladda turkiga.

 Shirkaas oo socda maalintii labaad ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo  madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in shirkaani ay faa’iido weyn ka helayaan ganacsatada Soomaaliyeed,isla markaana uu muhiim u yahay kuwa doonaya maalgashiga.

Ajandayaasha shirkaas ayaa waxaa ugu weyn wada tashi ku aadan sidii dowladda Turkiga ay maalgashi ka sameyso wadamada Afrika, iyadoo ay ka qeybgalayeen ganacsato waaweyn oo u dhashay dalka Turkiga.