Uncategorized

Soomaaliya oo soo dhaweysay wadahadalada lagu xalinaayo xiisada kala dhaxeysa Imaaraadka

Muqdisho-KNN-Sida uu xaqiijiyay wasiirka wasaarada arimaha dibada ee xukumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa jira wada hadal u dhaxeeya diblomaasiyiin ka socda dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka, kuwaas oo ku howlan sidii ay u xalin lahaayeen xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso dadaal kasta oo lagu xalinaayo xiisada taagan, iyadoo la ilaalinayo madaxmanaanida lagu xushmeynayo xiriirka laba dowladood ka dhaxeeya, sidaas waxaa Wakaalada Wararka ee SONNA u sheegay diblomaasiyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer.

Wuxuu kaloo uu Gaas yiri “majirto cid noo dhaanta Imaaraadka ama noo badali karta, asigoo ka dalbaday in sii wataan howlihii ay ka hayeen Soomaaliya”.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii xumaanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis dalka loogu mamnuucaya shirkada Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.