Somali News

Soomaaliya tirada dad u dhintay Coronavirus iyo kuwo laga helay oo la shaaciyey

Muqdisho-KNN-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo saartay warbixintii u dambeysay ee xaaladaha Coronavirus  ayaa soo bandhigtay kiisas badan oo laga kala diiwaan geliyay gobollada dalka.

Wasaaradda ayaa shaacisay in dalka laga diiwaan geliyay 85 xaaladood oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga kala diiwaan geliyay Somaliland 29, gobolka Banaadir 19, Galmudug 17, Jubbaland 14, Koonfur Galbeed shan kiis iyo Hir-shabelle oo laga helay hal kiis oo Coronavirus ah.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda caafimaadka waxaa lagu sheegay in cudurka Corona ay saacadihii u dambeeyay u geeriyoodeen seddax qofood, halka 13 kalena ay kasoo bogsadeen.

Dadka laga helay cudurkaas 58 kamid ah waa rag, halka 27-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay 2,289 xaaladood, 431 oo ka mid ah dadkaas ayaa kasoo bogsatay xanuunkaas, halka inta la ogyahay 82 kalena ay u geeriyoodeen.