Uncategorized

Soomaaliya”heshiiska Imaaraadka ee taba-barka ciidan wuxuu dhamaaday 2 sano ka hor”

Muqdisho-KNN-Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu sanado ka hor uu dhamaaday heshiiskii ay dawlada Soomaaliya la gashay dhigeeda Imaaraatka ee ku saabsana tababarka ciidamada Soomaaliya.

Mas’uulkaan oo ay wakaaladdu xusin magaciisa iyo jagada uu wasaaradda ka hayo ayaa sheegay in heshiiskii ay dawlada Imaaraatku ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya uu ekaa sanadkii 2016 sidaa darteed ay jirin sabab ay ku sii socoto hawsha tababarka ciidamada Soomaaliya.

“Heshiiskii aan kula jirnay Imaaraatka ee ay ciidamada noogu tababarayeen waxaa uu dhamaaday sanadkii 2016 sidaa darteed siima socon karo” ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ee ay kasoo xigatay mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya.

Dawlada Imaaraatka oo bilowday tababarka ciidamada Soomaaliya sanadkii 2014 ayaa dawlada Soomaaliya u tababartay boqolaal askari.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa shalay sheegay in dawladu la wareegayso ciidamada Imaaraatku tababaraan ee Muqdisho jooga sida lagu qoray wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee  SONNA.