Hargeysa-KNN-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Guddiga cadaaladda Somaliland oo booqasho ku tagay gobolada Somaliland kadib ay cabasho u soo gudbiyeen dadwaynaha ku nool deegaanada maamulkaas.
Intaas kadib gudiga cadaalada Soomaalliland ayaa waxay shaqadii cadaaladda ka eriday saddex garsoore iyo hal xeer ilaaliye,Waxaana la sheegay in qaarkood ay ka mid a haayeen kuwo ku milmay ololaha xisbiyada iyo doorashada Soomaaliland.
Sidoo kale guddiga cadaaladda ayaa is baddal ku samayay afar xeer ilaaliye iyo laba garsoore,kuwaas oo ay guddiga ku sheegtay in cabashooyin laga muujiyay.
Hayeeshee guddiga cadaaladda Somaliland ayaa waxaa ay digniin culus ay u jeediyeen hal garsoore iyo hal xeer ilaaliye,maadaama la sheegay inay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada soomaaliland.
Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay garsoorayaashii shaqada laga eryaya.
Waa markii ugu horeysay oo gudiga cadaalada soomaaliland ay shaqada ka eryaan Garsoorayaal iyo xerilaaliyaal iyagu lagu eedeeyay inay ku milmeen ololaha doorashada maamulka soomaaliland.
Bisha soo socoto ayaa lagu wadaa in deegaanad Soomaaliland ay ka dhacaan doorashada Madaxtinimada ee Maaamulka Soomaaliland,iyadoona Haatan degaanada Maamulkaas laga dareemayo diyaar garow ku aadan Doorashada.