Somali News

Soomaliland oo beenisay war kasoo baxay Maamulka Israel.

Qoraal kasoo baxay Xukuumadda Soomalilan ayaa looga hadlay hadal lagu daabacay Wargayska the Times of Israel  kaa oo lagu sheegay in wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomalilan uu Israel kaga qeeyb galay shir ku saabsan iskaashiga wadamada Afrika iyo Israel.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen wargaysa  in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomalilan ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa .

Waxa ay sidoo kale sheegeen in uu yahay been cad warka kasoo baxay Wargayska the Times of Israel, uuna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) uu ku mashquulsanaa howlaha dowladda uu u haaayo.

“Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  waxa uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudida 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in  uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada  Xuska maalinta Qaran ee 18may, ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maamulka Soomalilan.

Qoraalka kasoo baxay Soomalilan ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay “Wararka noocaan ah waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka Somaliland lagu waxyeeleeyo.