Uncategorized

Sraakiisha Ciidanka Dowladda oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Buurdhuubo

Buurdhuubo-KNN- Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay weerar shalay ay Al-shabab ku qaadeen Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Saraakaasha ayaa sheegay in 4 Dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabab lagu dilay Dagaal toos ah oo dhaxmaray labada dhinac kadib markii Al-shabab weerar ay ku ekeeyeen Saldhiga Dagmadda Buurdhuubo.

Saraakiishan oo la hadlay KNN ayaa sheegay dhankooda in wax qasaaro ah uusan soo gaarin taa badalkeedana ay qasaaro gaarsiiyeen Dagaalamayaashii soo weeraray.

Qaar kamid ah dadka Deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale inoo sheegay in xaalada Magaalada haatan ay dagantahay isku socodka dadka iyo gaadiidkana uu sidiisii hore ku soo laabtay.

Al-shabab ayaa weeraro gaadmo ah wali waxa ay ka geestaan Gobaladda Soomaaliya qeybo ka mid ah.