Somali News

Sucuudiga oo aqbali diiday Safiirkii loomagacaabay ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Cabdixakiim Xasan Ibraahim Ashkir  oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday safiirka dalka Sucuudiga ayaa dowladda Sucuudiga waxay diiday in ay ka gudoonto warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 29-kii bishii shanaad ee May waxa uu Ashkir u magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhi doona boqortooyada Sucuudi Carabiya, waxuuna xilligaas ahaa wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda Sucuudiga aysan si rasmi ah u shaacin diidmadeeda danjiraha Soomaaliya ay u magacaaday wadankaas, hadana waxaa jira sharci caalami ah oo lagu gaaray magaalada Geneva,kaas oo qeexaya in safiirkii seddax bilood gudahood looga gudoomi waayo warqadihiisa safiirnimo ay ka dhigantahay in la diiday,

Howl wadeeno ka tirsan safaaradda Soomaaliya Riyaad ayaa noo xaqiijiyay in 15-kii bishii lixaad ee June la gudbiyay warqadaha aqoonsiga safiirnimo, kuwaas oo aan wali la aqbalin, iyadoo la tuhmayo in danjire Ashkir uu Sucuudigu la xariirinayo in uu xariir la leeyahay dowladda Qatar oo hardan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Sucuudiga.