Somali News

Sucuudiga oo Diyaarado kasoo riday Xuutiyiinta Yemen

Muqdisho-KNN-Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo riday labo diyaaradood oo nuuca aanan cidina wadin ah kuwaas oo ay lahaayeen Xuutiyiinta dalka Yemen sida uu sheegay afhayeenka xulafada uu Sucuudigu hor boodo.

Diyaarada kowaad ayaa lagu bartilmaamayd saday gobolka Jizan, halka tan labaadna lagu beegsaday deegaan u dhaw gobolka Asir, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed kasoo baxay isbahaysiga.

Tv’ga Almasirah ee ku hadlo afka Xuutiyiinta ayaa galinkii dambe ee sabtigii baahiyay in diyaaraduhu ay bartilmaamayd sadeen garoomo diyaaradeed oo ku yaala gudaha Sucuudiga sida garoonka Abha iyo kan Jizan.

Falaagada Xuutiyiinta oo lasheego in ay taageerto dowlada Iran ayaa sara u qaaday weerarada ay ka geesanayaan gudaha Boqortooyada Sucuudiga xilli ay sara usii kacayso xiisada u dhaxayso Iran iyo wadamada gacanka oo taageero kahelaya dowlada Mareykanka.

Horaantii bishan Xuutiyiinta ayaa gantaal ay ku tuureen garoonka gobolka Abha ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa iyo 26 ruux.