Somali News

Sucuudiga oo ku biiray Isbahaysiga Mareykanka ee ilaalada badda.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ku biirayso Isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee loogu talagalay in lagu difaaco biyaha bariga dhexe kadib weerarkii lagu qaaday maraakiibtii shidaal.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa ku warantay in sarkaal aan magaciisa laxusin uu sheegay in boqortooyadu ay ku biirtay qorshaha lagu ilaalinayo biyaha caalamiga ah.

Isbahysigan uu hogaamiyo Mareykanka ayaa ilaa haatan waxaa qayb ka ah wadamada Australia, Bahrain, iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Washington ayaa isbahaysigan sameesay kadib weerarkii lagu qaaday maraakiibtii shidaal ee marayay marinka caalamiga ah ee Hormuz.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa ku eedeeyay Iran in ay ka danbeesay weerarkasi balse Tehran ayaa eedeemahaasi ku tilmaamtay kuwo waxba kama jiraan ah.

Xiisada ka taagan gobolka Bariga Dhexe ayaa sara usii kacday kadib markii maalmo kahor laweeraray xarumaha shidaal ee Boqortooyada dalka Sucuudiga.