Somali News

Sucuudiga oo lagu eedeeyay shirqoolkii lagu dilay Yaasir Carafaat.

Muqdisho-KNN-Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa sheegay indhimashadii Yaasir Carafaat, aysan ahayn mid dabiici ah oo ay ahayd mid lasooqorsheeyay asagoona shirqoolkaas ku eedeeyay in ay ka dambaysay boqortooyadaSucuudi Carabiya.

Bassam Abu Sharif, oo ah lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaasi sii raaciyay mar uu wareysi gaarka siinayay wargayska Shebab, ee ka soo baxa dalka Falastiin, in madaxwaynihii hore ee dalkamareykanka George W. Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxda boqortooyada kadib markii uu kulan uu usoo idlaaday ra’iisul wasaarahii hore ee Israel, Ariel Sharon, iyo qaar kamid ah madaxda sucuudiga oo kawada hadalayay qaabkii looqaarijin lahaa Mr Araf.

Abu Sharif, ayaa hoosta ka xariiqay in wax shaki ahuusan ka qabin in hogaamiyaasha Riyadh, ee waqtigaasi ay lahaayeen amarka lagu dilay Yaasir Carafaat, waqti ay iskaga dhigayeen in ay u ololeenayaan xalinta khilaafka Falastiin iyo Israel iyo waliba in lahelo labo dowladood oo kala madaxbanaan.

 “Sharon ra’iisul wasaarihii hore ee Israel, waxa uu aqalka cad kulan kula qaatay madaxwaynihii mareykanka Bush, oo u sheegay in uusan awood u laheen in weerartoos ah uu ku qaado Carafat, maadaamada uu dagaal kula jiray ururadii xurnimadoonka ahaa ee Falastiiniyiinta u dagaalamayay sida Xamaas taas badalkeedana dilka Carafaat ay u fuliyaan Boqortooyada Sucuudiga”.

Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaasisii raaciyay in intaasi kadib Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxdii boqortooyada sucuudiga oo ay isla meel dhigeen shirqoolkii lagu qaariyay hogaamiyihii hore ee ururka xurnimada doonka falastiinyiinta Yaasir Carafaat.

Abu Sharif, lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat,ayaa waxa uu waraysiga uu bixiyay sidookale uu ku sheegay in uu haatan qorsheenayo in uu qoro Buuk cusub oo uu doonayo in uu ku soo aruuriyo dhamaan shirqooladii lagu dilay Yaasir Carafaat.

Hogaamiyaasha kale ee shirqoolka lagu dilay ayaa waxaa kamid ah  Sheikh Ahmed Yassin, ooahaa hogaamiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa ururka Xamaas, waxaa uuna 2004’tii kudhintay duqaymo ay u gaysteen diyaaradaha Israel.

 Mahmoudal-Mabhouh, oo sidoo kale kamid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee ururka Xamaas ayaa2010’kii lagu dhax qaarihiyay hotel uu ka daganaa magaalada Dubai, ee iskutaga dalka Imaaraatka Carabta.

Yaasir carafaat waxa uu ahaa hogaamiye si wayn uga soo horjeeday maamulka Israel tan iyo 1960’kii waxaana 11’kii November 2004’ tiiuu ku dhintay isbitaal ku yaalo meel u dhaw caasimada dalka Faransiiska ee Paris, ayadoo da’diisu tahay 75’sano jir.