Somali News

Sucuudiga oo sheegay in uusan diyaar u ahayn dagaal uu lagalo Iran.

Muqdisho-KNN-Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in aysan qorsheeneen dagaal ay lagasho dalka Iran kadib markii sucuudigu uu Iran ku eedeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarumo Shidaal oo ku yaalo gudaha Sucuudiga. 

Riyadh ayaa Tehran ku eedeesay in ay laheed amarkii diyaaradaha daroniska ay Talaadadii ku weerareen xarumo shidaal oo ku yaalo gudaha Sucuudiga iyadoona masuuliyada weerarkaasi ay sheegtay falaagada Xuutiyiinta.

Iran ayaa iska fogeesay eedeemaha kaga yimid dhanka boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Caadil al-Jubeyre oo ah wasiir u doolaha wasaaradda arimaha dibada ee Sucuudiga ayaa sheegay in Boqortooyadu aysan dooneen dagaal ay lagasho Iran.

Al-Jubeyre ayaa intaasi raaciyay in sucuudigu uu diyaar u yahay jawaab uu kabixiyo dagaal kaga yimaado dhanka Iran. 

Eedeemaha Sucuudiga ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xumaanayso xiisada u dhaxayso dalalka Mareykanka iyo Iran.