Somali News

Sudan oo laga saaray liiska dalalka taageera argagixisada

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday heshiis dhex-maray Israel iyo Sudan.

Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in uu Sudan ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada.

Suudaan iyo Israa’iil ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis iyo xiriir diblumaasiyadeed, kaas oo Mareykanku uu garwadeen ka ahaa. waxaana heshiiskaas ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump, isagoo heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay qaaday xukumadda Khartuum.

Sidoo kale goobtii lagu shaaciyey heshiiskaas waxaa laga sheegay in Suudaan uu ka caawinayo in Mareykanku uu ka saaro liiska dalalka lagu eedeeyo in ay taageeraan ururrada loogu yeero argagixisada, gaar ahaan Al-Qaacida.

Haatan Suudaan waxay ku biirtay wadamo Carbeed oo dhawaan xiriir diblumaasiyadeed la sameystay maamulka Israa’iil, waxaana dalalkaas ka mid ah Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.