Dowladda Sudan ayaa mar kale ku boorisay Qaramada Midoobay iney ku badasho ciidamada nabad ilaalinta Itoobiyaanka ah kuwo kale, kuwaasoo joogga gobolka lagu muransan yahay ee Abyei, oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Koonfurta Sudan iyo Sudan.
Sudan ayaa tilmaantey in la keeno soohdinta labadda dal ciidamo kale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan Mariam al-Mahdi, ayaa sheegtay in tani ay keentay xaaladihii uggu danbeeyey ee ku saabsan xiriirka labadda dal, iyo ciidamada Sudan ee ay isku dhaceen kuwa Itoobiya, taasoo uu ku dhex martey dagaal aad u xun, gobolka al-Fashaqa ee u dhaxeeya labadda dal.
Waxay intaa raacisay wasiirka iney tani tahay talaabo lagama maarmaan ah, oo ay tahay in la qaaddo.
Ciidamada Itoobiya ayaa la keenay Abyei, ka gadaal markii uu Golaha Ammaanka soo saarey qaraar, waxaa kaloo joogga Abyei ciidamo kale oo nabad ilaalin ah.
Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo bishii April ee lasoo dhaafey Sudan ayaa dalbaneysay in ciidamada Itoobiyaanka lagu badalo kuwa kale, iyadoo ku eedeysay in maamulka Addis Ababa uu ciidamo dhibaateynaya dadka ay geeyeen gobolka al-Fashaqa.
Waxaa lagu soo waramayaa in bariga Sudan gobolka Qadarif ay iskuheystaan labadda dal ee Sudan iyo Itoobiya.


