Muqdisho-KNN-Qaar kamida 152,000 oo horey dalka ugu baracay ayaa ka soo laabtay Tuulooyinka ku yaala Waqooyi Galbeed ee Dalka Suudaan,sidaas waxaa sheegey gudoomiyaha gobolka Daarfuur Mohamed Abab Samouh oo la hadlay Wakaaladda wararka Dalkaasi ee SUNA.
Tirada guud ee Dalka iminka ku soo labatay Gobolka Daarfuur ayuu ku sheegey inay gaarayaan 327,000,ruux..
Dadkaan intooda badan ayaa ka barakacay dagaalo Culus oo 2003-dii ka dhacey Gobolka Daarfuur,kaas oo u dhexeeyey Xukumada Khartuum iyo Jabhado xiligaas dhaqdhaqaaqyo hubeysan ka waday Gobolka.
Warbixin hore oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in rabshadahaas ay ku dhinteen in ka badan 300,000,halka 2.5 Milyanna ay ku barakeceen,balse Dowlada Suudaan warbixintaasi waa iska diiday.


