Somali News

Suuqyada xoolaha ee Imaaraadka oo sara ukac laga dareemayo

Muqdisho-KNN-Sida uu daabacay Wargeyka Gulf News sara ukac lixaad leh ayaa laga dareemayaa suuqyada xoolaha lagu kala iibsado ee dalka Imaaraadka carabta.

Ari cadka iyo Idaha ayaa si gooniya qiimahoodu u kacay, waxaana ku darsantay 65% qiimaha neefka, markii la barbar dhigo qiimihiisii hore.

Sarakacan ayaa waxaa saldhig u ah kadib markii xoolaha Soomaaliya ay Imaaraadka udhoofin jirtay aysan tagin sanadkan, sidoo kalana dowladihii kale ee xoolaha keeni jiray ay dhimeen xoolihii ay u beec geyn jireen Imaaraadka Carabta.

Neefka ariga ah caadi ahaan waxaa la kala siisan jiray xilligan carafada oo kale 500 oo dirham, balse hadda ilaa 5,000 oo dirham ayuu gaaray neefkii.

Wadamada Imaaradku uu ka soo dhoofsanjiray xoolaha waxaa kamid ah Soomaaliya, Hindiya, Pakistan iyo Suuriya, balse sanadkan inta badan dalalkaa xoolaha ma aysan keenin seyladaha Imaaraadka.