Somali News

Suuriya oo hakisay howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Dimishiq

Dowladda Suuriya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq ka dib markii Israel ay Weerar cirka ah ku qaaday meel u dhow Garoonka.

Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ma aysan sheegin shaqo joojin, balse waxay sheegtay in duulimaadyadii la hakiyay ka dib markii “Qaar ka mid ah qalabka farsamada ayaa joojiyay shaqadii garoonka”.

Ku dhawaaqista ayaa timid kadib markii warbaahinta dowladda ay sheegtay in gantaalo ay Israa’iil leedahay uu ka dhaceen bartilmaameed oo ku yaalla caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaasoo uu ku dhaawacay ugu yaraan hal qof oo rayid ah.

Difaacyada cirka ee dowladda Suuriya ayaa qabtay inta badan gantaallada, halka qaarkood ay ku dhaceen bartilmaameedkoodii, SANA ayaa sheegtay.