Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Suxufi Cumar Dheere oo Maxkamada Gobolka Nugaal Damiin Ku Siideysey

Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin.

Qaar kamid ah Suxufiyiinta Puntland iyo ururkooda MAP ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda in Suxufi Cumar Dheere iska xiran yahay taas oo ah mid ka hor imaaneysa xuquuqda dastuuriga ah ee uu lee yahay.

Maanta oo Sabti ah ayaa Cumar Dheere la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey.

Maxkamadda ayaa sidoo kale u yeertey Gen. Muxyadiin Axmed Muuse waxaana uu ka jawaabi waayey sababta Cumar loo soo xirey iyo cidda dacweysey?.

Maxkamdda ayaa damaanad ku siideysey Cumar Dheere ilaa la helayo cidda dacweysey ee xirtey.