Somali News

Suxufiyiin ku xirnaa Myanmar oo la siidaayay.

Muqdisho-KNN-Suxufiyiin ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa lagu siidaayay cafis madaxweyne kadib muddo ay dalka Myanmar ku xirnaayeen.

Maxkamad ayaa ku heshay in ay ku xad gudbeen Sharciga Kaydinta sirta waxaana Bishii September ee Sanadkii hore lagu xukumay Todobo sano oo xarig ah.

Labada Wariye ayaa wariyay in Ciidanka amaanku ay dileen Toban qof oo ka tirsan Muslimiinta Rohinga intii ay socdeen Howlgaladda Rakhine ee Sanadkii 2017kii.

Xarigooda waxaa lagu tilmaamay mid waxyeelo iyo dhaawac ku ah xariyadda Saxaafadda ee Mayan mar.