Waxaa la sii daayay oo dib xoriyadoodii u helay qaar kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal oo dhawaan lagu xiray magaalada Jinja ee dalka Uganda.
Taageerayaashan oo gaarayay siddeed ayaa la qabtay xilli ay dabbaaldegyo ka dhigayeen halkaas kadib guushii Arsenal ay ka gaartay Manchester United bilowgii todobaadkaan.
Taageerayaasha ayaa Waxay ku labisnaayeen fanaanadda Arsenal, waxayna siteen astaan u muuqata koob xilliggii lagu xiray Uganda Isniintii.
Booliska waxay sheegeen in dhalinyarada la qabtay aysan xilliggaas heysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaban kareen dabbaaldegyada taasoo xadgudub ku aheyd nidaamka guud ee amniga.