Somali News

Taalibaan oo diyaar u ah inay dib u bilowdo wada xaajoodkii ay kula jireen Mareykanka

Muqdisho-KNN-Kooxda Taliban ayaa BBC u sheegay “in albaabadooda ay u furan yihiin wadaxaajood lala galo ” haddii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu doonayo in dib loo furo wadahadalada mustaqbalka.

Sher MoXammad Cabbas Stanikzai oo wadaxaajoodyada u qaabilsan Taliban ayaa ku adkeystay in wadaxaajoodyada ay yihiin “qaabka kali ah ee nabad loogu soo dabaali karo Afqaanistaan “.

Hadalka Mr Stanikzai ayaa ku soo beegmay toddobaad uun ka dib markii uu Mr Trump uu shaaciyay in wadahadalaad “ay dhinteen”.

Horraantii bishan labada dhinac ayaa u muuqday kuwa qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka halkaasi ka socday 18 sano.

Mr Trump ayaa xitaa 8 bsihan ku casuumay hogaamiyayaasha sarsare ee Taliban iyo madaxwayanha Afqanistaan Ashraf Ghani in ay kulan ku yeeshaan Camp David.

Balse weerarkii Taliban ay ka fuliyeen 6 bishan caasimadda Kabul islamarkana uu ku dhintay askari Mareykan ah ayaa sababay in madaxwayne Trump uu ka baxo wadahadalada .